Machadka SOM waa urur cilmi-baaris ah oo madax-bannaan oo ay hoggaamiyaan cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Göteborg. Baarintaanka SOM wuxuu diiradda saarayaa bulshada, ra'yiga dadweynaha iyo warbaahinta, sidaas darteed ayaa magaca SOM loogu bixiyey. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan machadka SOM iyo baaritaanadayada waxaa laga heli karaa boggayaga: gu.se/som-institutet.
In adiga lu doortay waxay ku timid si nasiib ah. Baaritaan kasta ka hor diiwaanka dadweynaha ayaa si iska nasiib ah looga soo saarayaa tirakoob dad ah oo ay da'doodu tahay16 ama ka weyn. Sannadkan waxaad noqotay mid ka mid ah kuwa sida nasiibka ah loo doortay.
Habka cilmiyeysan ee baaritaanku ku salaysan yahay waxay ku dhisan tahay inaadan u oggolaan karin qof kale inuu kuu jawaabo. Maxaa yeelay markaa ma bixinayo sawirka dhabta ah oo ku saabsan hab-dhaqanka iyo dhaqamada dadweynaha. Laakiin dabcan waa ikhtiyaari inaad ka qayb qaadato baaritaanka SOM.
Baarintaanka SOM, qof walba jawaabihiisa waa muhiim! Su'aashu kuma saabsana aqoontaada, ee waxay ku saabsan yihiin waxay adiga kula tahay iyo waxaad samaynayso. Si aanu awood ugu yeelano in aanu barano ra'yiga dadweynaha, ayey sidaas oo kale qiimo weyn noogu fadhidaa in aanu ogaano fikradaha aad qabto iyo in aannu ogaanno waxa aadan fikradda ka haysan.
Ujeedada baaritaanka ayaa ah in la iftiimiyo ifafaalaha/waxa muuqada iyo isbeddellada. Waxayna si sax ah u tahay mawduucyada su’aalaha ku jira oo siinaya fursad gaar ah oo lagu qeexo fikradaha, dabeecadaha iyo dhaqamada Iswidhishka. Waxaanu ognahay in marka aad buuxinayso ay adiga kaaga baahan hawl. Laakiin si kastaba ha ahaatee waxaanu rajaynaynaa inaad u hesho wakhti firaaqo ah si aad uga jawaabto su'aalaha Waxaad haysataa wakhti badan.
Natiijooyinka baaritaanka SOM waxaa si joogto ah loogu soo bandhigaa buuggaagta, warbixinnada iyo maqaallada cilmi-baarista. Dhammaan buuggaagta iyo warbixinnada lagu soo daabacayo machadka SOM waxaad ku heli kartaa si bilaash ah adiga oo ka soo dejisanaya: gu.se/som-institutet/resultat-och-publikationer.
Inta badan baaritaanka SOM waxaa maalgelinaya mashaariic cilmi baaris oo kala duwan oo laga sameeyo jaamacadaha Iswiidhan. . Baaritaanka SOM waxa uu suurtogal ka dhigayaa in cilmi-baarayaasha qaybaha kala duwan ee saynisku ay su'aalahooda kuu weydiiyaan qaab isku mid ah. Sidaa ayaa hawsha shaqada ee la ururiyey laysugu dubbaridayaa, isla markaana fursadaha sidaas lagu sameeyo falanqayn qoto-dheer ayaa sii kordhaysa. Machadka SOM wuxuu kaloo xitaa la shaqeeyaa hey’adaha iyo ururrada. Waxa loo baahan yahay in su'aalaha la iswaydiinayo ay noqdaan kuwo xidhiidh cilmiyaysan oo ku habboon baaritaankaa SOM ee ku wajahan bulshada, ra'yiga iyo warbaahinta. iyaga Jawaabaha aan la aqoonsan karin ayaa sidoo kale loo diyaarin doonaa cilmi-baarayaasha kale ka dib marka baaritaanka la dhammeeyo. Bogga gu.se/som-institutet/samverkan waxaad ka heli doontaa liiska mashaariicda iskaashiga ee Machadka SOM.
Markaanu helo jawaabahaaga kadib, waxaad heli doontaa abaalmarin laguu soo diro taas oo ah waad ku mahadsan tahay ka qayb qaadashadaada. Si kastaba ha ahaatee abaalmarinta ugu weyn ee jawaabaha aad bixinayso, waa inay gacan ka geysataa cilmi-baarista Iswidhishka ee dhinacyo badan oo kala duwan taabanaysa iyo sida aynu innagu isku fahamno. Intaa waxa dheer, inaad qayb ka noqoto qaabaynta bulshada aan ku dhex nool nahay.
Marka la eegayo baaritaanka SOM ee la soo diray, waxa cinwaankaaga laga soo qaatay diiwaanka dadweynaha. Xaaladaha qaarkood, waxa xitaa lambarkaaga taleefoonka lagala soo helay diiwaanka dadweynaha. Macluumaadkan waxa loo isticmaalaa si laguugu soo diro adiga macluumaadka ku saabsan baaritaanka oo kaliya. Markaad ka jawaabto su’aalaha baaritaanka, waxa la diiwaangelinayaa lambarada isku dhafka ah ee ka muuqda xagga hore ee warqadan. Taas macnaheedu waa inaadan helin wax xusuusin ah oo aan loo baahnayn. Inta lagu jiro baaritaanka, ma heli karno annagu macluumaadkaaga xiriirka, sidaas darteed waxaad u baahan tahay inaad sheegto lambarka isku dhafan ee ku yaal xagga hore ee warqaddan markaad nala soo xiriirayso. Marka baaritaanka la soo dhammeeyo, macluumaadka ciwaanka waa la tirtirayaa gebi ahaanba ka dibna waxaanu isu geynaynaa jawaabaha su'aalaha.
Inta lagu jiro shaqada goobta, Jaamacadda Göteborg ayaa mas'uul ka ah xogta shakhsi ahaaneed waxayna mas'uul ka tahay hubinta in jawaabahaaga loo maareeyo si waafaqsan xeerka laalinta xogta (GDPR). Heshiis gaarka ah oo khuseeya xogta shakhsiga ayaa u dhexeeyey jaamacadda Göteborg iyo shirkadda goob-joogga ah ee Indikator. Sharciga aasaaska ah ee GDPR waa arrin danta guud ah. Jawaabaha waxaa loo habaynayaa si dadka aanay khuseeyni u helin. . Inta lagu jiro xilliga goobta shaqada, waxaad xaq u leedahay inaad codsato in xogtaada gaarka ah la xadido, la tirtiro, la saxo ama lagu siiyo. Natiijooyinka su’aalaha waxaa lagu qarinayaa dhamaadka shaqada goobta maadaama ay dhammaatay inay noqotay xog shakhsi ahaaneed sababtoo ah dib looguma noqonkaro qof gaar ah. Kadibna jawaabaha waxaa lagu soo bandhigayaa heer kooxeed si aan shakhsina loo aqoonsan. Baaritaanka waxaa ansixiyey guddiga Anshaxa. Wixii su'aalo ee ku saabsan baaritaanka SOM sida loo maaraynayo xogta shakhsi ahaaneed, la xidhiidh svar@som.gu.se ama wakiilka ilaalida xogta ee jaamacadda Göteborg dataskydd@gu.se. Haddii aanad ku qanacsanayn habka loo maareeyey xogtaada shakhsiyeed, waxaad xaq u leedahay inaad cabasho u gudbiso Hay'adda ilaalinta xogta, taas oo ah hay’ad ilaalo. .
Warbixin intaa dheer, nala soo xiriir annaga
031-786 3055
svar@som.gu.se